Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan.
Kolanyada Xabashida Itoobiyaanka ah ee Kamiinka loo dhigay waxey kasoo baxeen deegaanka Feerfeer waxeyna kusoo jeedeen dhanka degmada Beledweyne.
Weerarka dhabba galka ah waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Ceel-muslim ee hoostaga degmada Beledweyne waxeyna Kolanyada Amxaarada ka koobneed Afar gaari oo noocyada dagaalka ah iyo askartii la socotay.
Wararka laga helayo deegaanka Ceel-muslim waxey sheegayaan in kamiinkaasi khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed lagu gaarsiiyay askarta Xabashida Itoobiya.
Gaari Uuraal ah ayaa la xaqiijiyay in Xabashida Itoobiya looga gubay kamiinka sidoo kalane tiro askar ah oo la socotay gaarigaas ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka dhabba galka ah.
Calamada.com