Qaraxyo Loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago waxaa duleedka magaalada Muqdisho lagula beegsaday maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Qaraxyadan oo gaaraya ilaa iyo Labo qarax waxey sigaar ah kaga dhaceen deegaanka Calamada oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Miino ayaa lagu aasay goob maalin walbo ay fadhiistaan maleeshiyaatka dowlada oo ka tirsan deegaanka Calamada,iyadoona xilliga qaraxa goobta ay fadhiyeen Todobo askari.
Todobada askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa waxaa goobta soo gaaray maleeshiyaat kale oo ka tirsan dowlada oo gurmad ahaan goobta u yimid.
Inta ay ku guda jireen qaadista maleeshiyaatka qaraxii hore dhimasho iyo dhaawac ku noqday ayaa isla goobta waxaa ka dhacay qarax Labaad oo isagana sababay khasaara xoogan oo soo gaartay maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Calamada.com