Fagaare ku yaalla deegaanka Kuunyabarow ayaa galabta waxaa ka dhacay xukun xad ah oo lagu fuliyay nin tuug ahaa oo guri ku yaala deegaankaasi ka xaday lacag iyo kumbiyuutarro.
Maxkamadda wilaayada Sh hoose ayaa xukun ku riday ninkaasi ku eedeysnaa falka tuugnimada ah kadib markii goob fagaare ah laga shaaciyay inuu qirtay falkaasi xatooyada ah.
Boqolaal dadweyne ah ayaa usoo daawasho tagay xukunka lagu fulinayay ninkaas lagu helay falka xatooyada ah.
Ugu dambeyntii Xukunki ayaa la fuliyay waxaana la jaray gacantii wax xaday kadib markii Qaadiga Maxkamada uu fagaaraha ka aqriyay Xukunka.
Calamada.com