Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday saraakiil ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Qaraxan oo ka dhacay deegaanka Balli Khadar oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Boosaaso waxaa sigaar ah loola beegsaday saraakiil miino baarayaal ah oo ka tirsan maamulka Cabdi Wali Gaas.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Balli Khadar waxey xaqiijinayaan in qaraxa lagu dilay labo sarkaal oo miino baarayaal ah kuwaasi oo la xaqiijiyay in xilligii la qarxinayay ay ku mashquul sanaayeen Furfuridda miinada lagu qarxiyay oo ay kasoo saareen goobta lagu aasay.
Saacadihii lasoo dhaafay ayey aheed markii weeraro isugu jira duqeyn iyo taagasho ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ku qaadeen saldhiga maamulka Puntland ee deegaanka Galgalo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan Labo iyo Toban askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Puntland.
Calamada.com