Khilaafkii ugu xooganaay ayaa soo kala dhax galay hogaanka maamulka Hirshabeelle oo ka mid ah maamulada dowlada Xabashida Itoobiya ka dhisatay gudaha dalka Somaliya,iyadoona maalinba maalinta ka dambeyso khilaafka uu sii xoogeysanayo.
Odayaasha dhaqanka Wilaayada Islaamiga Shabeelada dhexe ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee soo kala dhex galay Maamulka gaala raaca Hirshabeelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe.
Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Wilaayada Islaamiga Shabeelada dhexe Nabadoon Mucalim Muxumad oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in khilaafkaasi uu yahay mid shaqo maalmeed u ah maamulada gaala raacyada ee dowlada Itoobiya ka dhisatay Somaliya.
Sidoo kale Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in gaalada xilligaan ay ka maarmeen Cali Cusuble oo ahaa madaxweynaha maamulka Hirshabeelle sidaasna ay xildhibaanada maamulkaasi xilka uga qaadeen Cosoble.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Mucalim Muxumad.
Calamada.com
Waaa farxad