Wararka ka imaanaya gobalka Barwan ee Waqooyga dalka Afghanistan waxey sheegayaan in camaliyad Istish-haadiyo ah lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Nasaarada Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Kolanyada Americanka ah xilligii Camaliyada istish-haadiyada ah lagu weeraray waxey howlo baaritaano ah ka wadeen agagaarka garoonka Bagram oo uu ku dhex yaalo saldhiga ugu weyn ciidamada Mareykanka ay ka sameysteen Afghanistan.
Camaliyadan waxaa fuliyay Shaakir Takhaari oo ah Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan kaasi oo Mooto uu watay bartamaha kala galay kolanyada Amreicanka ah.
Warbaahinta gudaha Afghanistan waxey sheegeen in weerarkaasi Naf hurnimada ah dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen Kow iyo Toban askari oo American ah.
Dhanka kale qarax miino oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Qarat-baag oo ka tirsan gobalka Kaabul waxaa lala beegsaday kolanyo American ah oo iyaguna ku socdaalayay qeybo ka mid ah degmadaasi.
Qaraxan Miino oo ka dhacay qeybo ka mid ah Kaabul waxaa isagana dhimasho iyo dhaawac ku noqday Todobo askari oo American ah.
Labo Maalin ka hor ayeey aheed markii Camaliyad Istish-haadi oo uu fuliyay Asadullaahi Al-qandahari kana dhacday gudaha magaalada Qandahaar lagu burburiyay Labo Taangi laguna dilay Shan iyo Toban askari oo American ah.
Calamada.com