Cuna qabateynta ay dowladda Mareykanka saartay wadanka Suudaan ayaa labaatan sana jirsatay inkastoo maamulka Cumar Xasan Al Bashiir uu isku dayay in uu daacad u noqdo Mareykanka hadane wali cunaqabateynta si rasmi ah loogama qaadin.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in 3 bilood oo dheeri ah lagu daray waqtiga ay cunaqabateynta dahqaale sii saarnaaneyso dowladda Suudaan, loogana baahanyahay in sadexdaas bilood ay sii wado fulinta awaamiirta la dul dhigay ee astaanta u ah iney ka joogsatay waxyaabaha lagu eedayay oo ay kamid tahay iney tahay dowlad taageerta waxa loogu yeero “Argagaxisada”.
Bayaanka Wasaaradda kasoo baxay waxaa lagu amaanay sida dowladda Suudaan ay u fulisay inta badan awaamiirta la dul dhigay balse waxaa la sheegay inaaney weli mudan in gebi ahaanba cunaqabateynta laga qaado.
Maalintii shalay ayaa wasiirka arimaha dibadda dowladda Suudaan oo hadlay wuxuu sheegay iney aad u sugayaan in laga qaado cunaqabateynta, maadaama ay fuliyeen dhamaan awaamirtii lagu soo rogay, wuxuuna sheegay ineysan jirin khiyaar kale oo u banaan dowladda Maraykanka.
Wuxuu ku hanjbay hadii dowladda Marayknaka ay qaadi weyso cunaqabateynta dhaqaale in dowladda Suudaan ay u jiheysan doonto khiyaarka dagaalka, laman oga in hanjabaadan ay ka dhabeyn doonto dowladda Suudaan.
Maraykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay dowladda Suudaan 20 sano kahor, waxaana arimaha dowladan lagu heysto kamid ah in sagaashamaadkii ay marti gelisay Sheekh Usaama bin Laadin iyo ragiisii Jihaadka la waday, iyo in dembiyo dagaal ay ka geystay gobolka Daarfuur halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya dowladda Suudaan iyo mucaaradkeeda.