Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi uu ka dhacay weerar sababay khasaara nafeet.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen saraakiil ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin kuwaasi oo kasoo baxay degmada Xudur.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi qorsheysan lagu dilay Labo sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Xasan Gaduud iyo sarkaalka labaad oo lagu magacaabi jiray Calow Madliif.
Labadaan sarkaalka waxaa si gaar ah loogu dilay duleedka dhanka Waqooyi ee degmada Xudur,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen labo qori,labo Fooneeyo iyo agabyo kale oo ay wateen labadaasi sarkaal.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Calamada.com