War goordhow ku soo dhacay warqabadka Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan lala eegtay Kolonyo ciidamo afrikaan ah iyo kuwa cadaan ah oo ku socdaalayey wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in Kolonyada la beegsaday xilli ay taagnaayeen koontaroolka Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho, Islamarkaana lagu qarxiyey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo goobta ku diyaarsanaa.
Kolonyada la weeraray ayaa ka koobnaa ciidamo ka tirsan Kufaarta Afrikaanta iyo kuwa cadaan ah oo ka tirsan shirkadda Bancroft ee taageerada military u fidisa ciidamada Kufaarta Afrikaanta.
Kolonyadan ayaa maanta Zaad ciidan ka soo qaaday magaalada Muqdisho, waxayna ku sii jeedeen garoonka Bali-doogle oo saldhig military u ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afrikaanta.
Wararku waxay tilmaamayaan in qasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamada cadowga, sidoo kalena uu burburay Koontaroolkii ciidanka.
Askar dhowr ah oo ka tirsan maleeshiyaatka loo yaqaano PS-ta ayaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa kuwaas oo joogay Koontaroolka xilligii uu weerarku dhacayey.
Sidoo kale waxaa halkaas ku burburay qaar ka mid ah gaadiidkii Kolonyada gaalada ee la beegsaday sida ay noo sheegeen saraakiisha Mujaahidiinta.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com