Wararka ka imaanaya dalka Al-jazaa,ir waxey sheegayaan in qarax culus lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada dowlada Mutafliiqa ee dalkaasi.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay wadada isku xirta deegaanada Sayaar iyo Shaashaar oo ka wada tirsan gobalka Khanshalah oo ah gobal dhaca dhanka Waqooyi Bari ee dalkaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa haleeshay gaari Cabdi Bile ah,iyadoona warbaahinta dalkaasi ay xaqiijiyeen in gabi ahaan gaariga uu burburay ayna wada dhinteen askartii la socotay gaarigaasi.
Mas,uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay Katiibada Al-fatxul Mubiin oo ah Katiibo taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Magribul Islam.
Calamada.com