
Saraakiil ka tirsan Booliska dowlada Nasaarada Kenya ayaa sheegay in qarax maanta ka dhacay deegaanka Ceel-waaq qeybta Kenya gumeysato uu haleelay gaari ay laheyd dowladda Hoose.
Ugu Yaraan hal gaari ayaa burburay waxaana ku dhintay mid kamida shaqaalaha dhismaha dowladda Hoose, warbaahinta Kenya ayaa faafisay sawir muujinayay gaariga oo gebi ahaantiisba burburay.
Qarax isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay isla gobolka Waqooyi Bari ayaa lagu burburiyay gaari maandooriyaha khaatka kasoo qaaday Kenya kunasii jeeday mid kamida saldhigyada ciidanka Melleteriga Kenya.