Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somali ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay labo askari oo ka wada tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ku wada dagaalameen gudaha degmada Beledweyne xarunta gobalkaasi.
Askari ayaa askari kale ku dilay gudaha degmada kadib markii askariga la dilay labo doolar oo dheeraad ah uu ku darsaday lacago baad ah oo ay wada qeybsanayeen maleeshiyaatka dowlada federaalka taasi oo kasoo xarootay isbaara dowlada federaalka u taala magaaladaasi.
Dhanka kale Lix Askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa dhintay inka badan Shan askari weey dhaawacmeen kadib iska hor’imaad maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada federaalka ku dhexmaray gudaha degmada Warsheekh ee gobalka Shabeelada dhexe.
Maleeshiyaatkan ayaa sidoo kale ku murmay qeybsiga lacago baad ah oo kaga soo xarootay isbaara u taala gudaha degmada Warsheekh murankaasi oo ugu dambeyntii sababay iney dhexdooda dagaalamaan.
Dhanka kale labo askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo daroogeysan ayaa isku rasaaseeyay gudaha degmada Cadalle ee isla gobalka Shabeelada dhexe rasaastaasi oo sababtay in hal askari isla goobta uu ku geeriyooda midka kalane dhaawac culus uu soo gaara.
Calamada.com