Ciidamada guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxay maanta howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuffaarta xabashida Itoobiya, kuwaas oo lugeynayay agagaarka garoonka magaalada Baydhaba.
Howlgalka qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana qaraxaasi ku dhintay 5 askari oo Itoobiyaan ah, halka 4 kalana ay ku dhaawacmeen, howlgalkan ayaana qayb ka ah weerarada qorsheysan ee ciidanka mujaahidiintu ku dhiigbixinayaan saliibiyiinta duullaanka ku joogta dalkeenna Soomaaliya.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya kaga suganyihiin deegaanka Awdiinle oo ka mid ah deegaannada hoostaga magaalada Baydhaba.