Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal xooggan oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ee deegaanka Awdiinle ee hoostaga magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxay sidoo kale ciidanka mujaahidiintu dagaal culus ku ekeeyeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee kuyaal Maaya-fuulka oo ka tirsan isla magaalada Baydhaba, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalkaasi la isku adeegsanayay ayaa si wayn looga maqlayay qaybo ka mid ah magaalada.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafau dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ah ku leeyihiin degmada Waajid, waxaana weerarkan ku dhaawacmay 1 askari oo murtad ah.