Tahriibeyaal tiradooodu gaarayso 186 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu la’yahay xeebaha dalalka Yemen iyo Jabuuti, sida ay shaacisay hey’ad-gaalleed sheegata inay qaabilsan tahay socdaalka adduunka oo magaceeda loosoo gaabiyo IOM.
Hey’addan oo hoos-tagta urur-weynaha Midowga Gaallada ee UN-ka, ayaa sheegtay in tahriibeyaashani ay wateen 4 Doonyood, kuwaas oo 2 ka mid ah ay ku qallibmeen habeennimadii Khamiista xeebaha Dhubab ee gobolka Taciz ee dalka Yemen.
Afhayeenka IOM, Tamim Eleian (Tamiim Aleeyan), ayaa warbaahinta u sheegay in laba ka mid ah shaqaallaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah weli la la’yahay.
Dadka la socday labadan doonyood ayaa isugu jiray 124 rag ah iyo 57 dumar ah. Waxaana badbaaday labo shaqaalle Yemeni ah, halka dhammaan rakaabkii iyo shaqaallihii haray laga cabsi qabo inay dhinteen, iyadoo wax mayd ah aan laga helin ilaa hadda, sida ay sheegtay IOM.
Wararka ayaa intaas ku daraya in 181-ka qof ee ay la gaddoomeen labadan doonyood ay Jinsiyadahoodu kala ahaayeen 174 Tahriibe oo Itoobiyaan ah iyo 7 shaqaalle Yemaniyiin ah.
Sidoo kale isla habeennimadaa khamiista, laba doonyood oo kale ayaa ku rogmaday biyaha dalka Jabuuti. Waxaana la helay meydadka laba ka mid ah tahriibayaasha, halka dhammaan rakaabkii kale ee doonyaha saarnaa la badbaadiyay, sida uu sheegay Eleian (Aleeyan).
Doonyahan oo kasoo baqoollay Geeska Afrika, ayaa shilkooda lagu sababeeyey moojadaha Badda oo aad u kacsanaa iyo mukhalasiinta oo aan ku dhaqmin digniinno cimileed oo ay soo saartay hey’adda saadaasha hawada ee dalka Yemen.