Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Jubbada hoose, waxay weerar qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen xarunta maamulka Riddada ee magaalaada Kismaayo, waxaana jira khasaare kala duwan oo murtadiinta soo gaaray.
Dhanka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta oo Khamiis ah weerar culus oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad murtadiin ah oo dhaqdhaqaaqyo ashahaada la dirir ah ka waday deegaanka Geerille ee hoostaga degmada Ceeldheer.
Howlgalka kamiinka ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii ciidamada mujaahidiintu u qorsheeyeen, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay hal askari oo murtad ah, kaasi oo laga soo furtay qori iyo boosh, halka mid kale lagu dhaawacay.