Wasiirka maaliyadda kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Biixi Iimaan Cige ayaa isagoo ka hor hadlayay xildhibaannada golaha dawaaqiidda xaqiijiyay in dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ay kooxdiisa ka jaratay lacagihii ay ku siin jirtay dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa.
Murtadkan ayaa sheegay inay waayeen lacag dhan 1.5 Bilyan oo dollar oo uu Maraykanku siin jiray kooxda Riddada, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu bixin jiray howlgalka ashahaada la dirirka ee dowladdaasi ku maalgeliso Danab oo ah murtazaqo uu ku adeegto.
Lacagahan ay waayeen ayuu sidoo kale sheegay in Maraykanku ku bixin jiray qaar ka mid ah hayadaha Riddada, waxa uu sidoo kale ka shanqariyay inay wajahayaan culaysyo kale oo dhaqaale oo ka imaanaya dowladaha kale ee lacagaha siin jiray maamulka Riddada ah ee fadhigiisu yahay Muqdisho.
Murtad Biixi ayaa muujiyay culaysyada dhaqaale ee ay wajahayso kooxdiisa, waxaana hadalladiisa laga dheehan karay inay soo rogi doonaan lacago baad ah oo ka dhan ah dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.
Hadalka murtad Biixi ayaa imaanaya xilli kooxda Riddada wajahayso culaysyo dhan walba ah, waxayna ka mid ahayd dowladihii saamaynta ugu xoogan ay ku yeelatay go’aankii uu Donlad Trump dhaqaalaha kaga goostay wadamada dibadda, sidoo kale howlgalka ashahaada la dirirka ah ee kuffaarta Afrikaanta ayaan caga buuran ku taagnayn oo wajahaya dhaqaale xumo aad u baahsan.