Dawladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay dhimayso miisaaniyadda dhaqaallihii kaga bixi jiray dibadda oo u badan dalalka dhaca qaaradda Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer (Kiyee Istaamar), ayaa maalmo ka hor shaaciyey inay hoos u dhigayaan lacagihii ay siin jireen dalalka dibadda, si loo kordhiyo kharashaadka difaaca 2.5% dakhliga qaranka marka la gaaro 2027.
Sidoo kale R/Wasaaruhu waxa uu xusay in koru-kaca kharashka difaaca lagu bixin doono 40% dhimista gunnooyinka dibadda, isla markaana 0.5% ilaa 0.3% laga jari doono wax-soo-saarka gudaha (GDP) marka la gaaro sanadka 2027.
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in uusan ku faraxsanayn ku dhawaaqista lagu dhimayo lacagaha dibadda, balse tallaabadaasi ay noqotay mid looga maarmi waayay taageerada loo fidinayo Ukrain iyo guud ahaan ammaanka Yurub.
Keir Starmer (Kiyee Istaama), ayaa dhammaan xulafada Yurub ku boorriyey inay sare u qaadaan difaaca dalalka qaaradda Yurub, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu dhawaan isna ka dhawaajiyey in reer Yurub ay diyaar u yihiin wax-ka-qabashada difaaca iyo ammaanka qaaraddooda.
Isbahaysiga in ka badan 100 hey’adood oo sheegta inay Sama-fal yihiin ayaa dhalleeceeyey go’aankan kasoo yeeray dawladda Ingiriiska, waxaanay yiraahdeen “Waa wax laga naxo in UK ay hadda ku socoto wadadii Mareykanka oo ay aqbashay doorashada beenta ah ee ah in la gooyo kaalmada UK ee horay u yaraatay si loogu maal-geliyo difaaca.”
Reer Yurub ayaa haatan u muuqda kuwo usoo iilanaya talooyinkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo muddo dheer ka dalbanaayay hoggaamiyeyaasha Yurub inay awoodda saaraan kharashaadka ku baxa difaaca qaaraddooda.
Maraykanka ayaa Jannaayo 24, 2025 jaray dhaqaallihii kaga bixi jiray dalalka dibadda, tallaabadaas oo si weyn ay uga qaylo-dhaamiyeen dalal badan oo ku tiirsanaa dhaqaallahaasi oo ay ku jirto kooxda Riddada Soomaaliya.
Tallaabadan uu ingiriisku qaadayo ayaa adhax-jab kale ku noqonaysa maamullada daba-dhilifyada ah ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, iyadoo bishii Maarso 2023, uu Ingiriisku joojiyay taageeradii uu siin jiray maleeshiyaadka RRU-da ee ashahaado-la-dirirka ee Somaliland.
Ingiriiska oo safka hore kaga jira Kuffaarta caalamka ee usoo tafaxaytay la-dagaallanka shareecada Islaamka ayaa maal-gelisa mashaariicda ashahaado-la-dirirnimo ee ka socda Soomaaliya. Waxaana ka mida lacagihii u dambeeyey ee ay bixisay £5 milyan oo Gini, una dhiganta qiyaastii 6.2 milyan oo Doollar oo sanadkii hore ee 2024 ay siisay maleeshiyaadka DF Somaliya.
Dalalka Gaallada caalamka ee muddada badan ku mashquulsanaa la-dagaallanka Islaamka iyo Muslimiinta, rafaad badanna ka haystay fuuq-bax millateri ayaa haatan wajahaya fuuq-bax dhaqaalle oo aad u daran, kadib markii ay ku ilko-beelleen duullaannadii ay kusoo qaadeen dalalka Islaamka.