Ciidamada mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, waxay goordhow dagaal culus kaddib la wareegeen gacan ku haynta magaalada Biya-cadde ee wilaayada Shabeellada Dhexe, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada.
La wareegitaanka ciidamada mujaahidiinta ee deegaankan, ayaa yimid kaddib markii ciidamada mujaahidiintu ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen maleeshiyaadkii murtadiinta ee ku sugnaa deegaanka, saraakiil ka tirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa Al-andalus u xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu ay si buuxda u maamulayaan Biyo-cadde.
Maleeshiyaadkii Riddada ee ku sugnaa deegaankan ayaa firxaday, kaddib markii ay u adkeysan waayeen xabadda kulul ee uga imaanaysa dhanka mujaahidiinta, ugu dambayn magaaladan waxay ku dhacday gacanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.