Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saaka howlgal kamiin ah ka fuliyeen wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaas oo khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Riddada.
Howlgalkan kamiinka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaan Hareeriga Caadle ee u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Balcad, waxaana weerarkaasi loo dhigay 3 askari murtadiin ah oo mooto Dhugdhugley ah la socday kuna sii jeeday Muqdisho.
Weerarkan qorsheysan waxay ciidamada mujaahidiintu ku dileen dhammaan saddexdii askari ee kamiinka ciidanka mujaahidiinta kusoo dhacay, waxaana laga soo qaniimeystay 3 qori AK47 ah iyo Booshashkooda iyo mootadii ay wateen.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax la beegsadeen guri ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo maleeshiyo ka tirsan maamulka Riddada ugu magacaaban degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxa uu guriga weerarka ka dhacay ku yaalaa xaafadda cali ganeey ee degmada Kaxda.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar qorsheysan la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ka baxay degmada Buurhakabo doonayay na iney dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan tuulo hoostagta degmadaasi, hal askari oo murtad ah ayaa weerarka lagu dilay halka laba kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.