Caawa oo ah habeen Sabti ah waa 1-da bisha barakaysan ee Ramadaan, Bahda mareegta calamada waxay dhammaan akhristeyaasheeda iyo guud ahaan umadda muslimiinta ah u diraysaa hambalyada curashada bisha barakaysan ee Ramadaan, oo Allaah mahaddiis caawa si rasmi ah inoogu billaabmatay.
Bishan barakaysan ee Ramadaan waa bishii khayrka iyo cibaadaadka, waa bishii Qur’aanka, waa bishii Jihaadka iyo futaaxaadka, waana bishii cibaadaadka aadka u badin jireen muslimiinta, sidaas darteed waxaa muhiim ah inaan ka faa’ideysanno khayrka ka buuxa bishan oo aysan si fudud inagu seegin fursaddan naadirka ee sannadkiiba mar soo marta muslimiinta.
Aynu ku dedaalno akhrinta Qur’aanka Kariimka maadaama oo bishani tahay bishii Qur’aanka, sidoo kale aynu ku dedaalno qiyaamka, sadaqada, jihaadka iyo acmaasha kale ee khayrka ah, allena ha inoogu dhameeyo Nasri iyo guul uu islaamku gaaro.
Curashada bisha barakaysan ee Ramadaan aawadeed, waxaan akhristeyaasheenna ogaysiinaynaa inaanu si maalinle ah ugu soo gudbin doonno Kitaabka (آداب المعلمين) oo ah darsi muhiim ah oo uu inoo akhrin doono Sheikh Cazaam Abuu Yaxye oo ka mid ah culimada diinta islaamka iyo barnaamij gaar ah oo cinwaankiisu yahay (هذا خلق الله) oo ah barnaamij xiiso badan.