Warar cusub ayaa ka imaanaya furimaha hore ee dagaalka, si gaara degmada Balcad oo saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen kana eryadeen maleeshiyaadkii murtadiinta ee halkaas ku sugnaa, waxay goordhow ciidamada mujaahidiintu dhanka kale weeraro qaraxyo iyo dagaallo toos ah ku beegsadeen maleeshiyo murtadiin ah.
Weerarka oo isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ayaa ka dhacay maleeshiyo murtadiin ah oo gurmad usoo ahaa murtadiintii dagaalka laga saaray degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, weerarkan kamiinka ah ayaa si gaar ah kaga dhacay deegaanka Ilbaq ee dhaca duleedka Balcad.
Sidoo kale, waxaa degmada Balcad si buuxda gacanta ugu haya ciidanka mujaahidiinta, waxayna mujaahidiintu isku fidiyeen xaafadaha kala duwan ee degmada markii ay soo jiireen difaacyadii murtadiinta ee duleedka magaalada lana wareegeen saldhigyadii Riddada ee gudaha magaalada sida xarunta degmada, saldhigga booliiska iyo xarunta maxkamadda daaquutka ah ee Riddada.