Dagaallo qaraar oo dhex-maraya maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano iyo ciidanka saliibiyada Xabashida Itoobiya ayay wararku sheegayaan inay ka socdaan qaybo ka mida gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladan oo si gaar ah uga socda deggaanno ka tirsan gobolka Gojjam ay sii xoogaysteen kadib markii dhawaan deggaanno ka tirsan gobolkaasi ay diyaaradaha dagaalka ee Abiy Axmed ku xasuuqeen dad shacab ah.
Maleeshiyaadka Fano ayaa sheegtay in ay dileen askar fara badan oo ka tirsan ciidanka dawladda, kuna qasbeen inay dib uga gurtaan goobta dagaalka.
Xogta ayaa tibaaxaysa in dagaalku aanu intaas ku joogsan balse maleeshiyaadka FANO ay weerar kale oo gaadmo ah ku qaadeen ciidankii sameeyey dibu-gurashada. Isla markaana dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay agagaarka magaallada Ambiisi ee gobolka Gojjam.
Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka FANO ay sidoo kale sheegeen in dagaalkaasina ay ku dileen tiro askar ah, qaar kalena gacanta ku dhigeen. Walow tiradooda aanay shaacin.
Dawladda Saliibiyada Xabashida Itoobiya ayaa sidii caadada u ahayd ilaa hadda aan ka hadal dagaalladan, balse General Mohammed Tessema, Taliyaha Ciidanka Bari, ugu magacaaban Abiy Axmed ayaa Sabtidii lasoo dhaafay mar uu la hadlayay askartiisa ku sugan gobolka Amxaarada u sheegay in ay jabiyeen kooxda argagixisada oo uu ula jeeday Fallaagada FANO, siina wadayaan cirib-tirkooda.
Geesta kale, Todobaadyadii la soo dhaafay ciidamada Fano ayaa shaaca ka qaaday in dhankooda ay ku hawlan yihiin tababarro ciidan oo aad u badan oo ka socda qaybaha kala duwan ee gobolka Axmaarada, kuwaas oo loo diyaarinayo duullaan ballaaran oo ay sheegeen inay ku qaadayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.