Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qaraxyo ah ka fuliyeen gudaha degmada Beledxaawo, weerarka oo loo adeegsaday ilaa laba qarax ayay mujaahidiintu ku beegsadeen Bar-control iyo guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada.
Khasaare kala duwan ayaa murtadiinta kasoo gaaray labada weerar, waxaana qaraxa ka dhacay Barta Control lasoo xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen ilaa laba askari oo murtadiin ah.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga Kuffaarta Afrikaanta ee degmada Buulo-mareer ee Sh/hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta ee ka jihaada dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, ayaa qarax culus la beegsadeen gaari nooca Kooyalka ah oo ay la socdeen ciidamo saliibiyiin Kenyaan, gaarigaasi ayaa ka baxay magaalada Mandheera waxaanu kusii jeeday degmada Raamo.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in gaariga Kooyalka ah ee la qarxiyay uu gebi ahaan goobta ku basbeelay, waxayna taas keentay in Allaah fadligiis goobta ku halaagsamaan ciidamadii saliibiyiinta ee gaariga la socday.