Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qorsheysan la eegteen hoyga uu degmada Buur-hakaba ka daggan yahay taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Riddada ee degmadaasi, murtadka lagu magacaabo Cismaan Kaara-biin.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in sarkaalkan uu si dirqi ah kaga badbaaday weerarka la doonayay in lagu khaarajiyo, waxaana weerarka lagu dilay 2 askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, halka askari kale oo ilaaladiisa ka mid ahaana la dhaawacay.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ay ka degganyihiin deegaanka Laanta Buure ee dhaca Sh/hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.