Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa sheegaya in dabkii ugu xooganaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka kacay garoonka diyaaradaha ugu weyn dalkaasi ee kuyaal magaaladaasi.
Dabka ayaa qabsaday qeybo kamid ah garoonka, isaga oo ku fiday waddooyinka waaweyn ee soo gala , muddo saacado ah ayaana lala tacaalayay damintiisa.
Sida ay tabinayso waraahinta gudaha Kenya dabka ayaa baab’iyay guryo dhowr ah oo ay sidoo kale ku jiraan xafiisyada qaar ka mid ah maamulayaasha garoonka, isaga oo ku sigtay in uu gaaro halka ay ka haadaan diyaaradaha, sidook alane ay garoonka yaalleen xiligaasi diyaarado badan.
Dhanka kale xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Suudaan ayaa sii xumaanaya kaddib markii ay xukuumada Nairobi martigalisay shir ay isugu yimaaddeen mas’uuliyiin ka tirsan fallaagada RSF ee dagaalka kula jira ciidanka Suudaan.
General Cabdi Fitaax Al-Burhaan ayaa u yeerey safiirkii u fadhiyay Kenya, isaga oo ka jawaabaya taallabadaasi oo si aad ah uga caraysiisay xukuumafda khartuum.
Suudaan ayaa sheegtay in tani ay tahay waxa ay ku sheegtay mid ka dhan ah madax bannaanideeda ,dowladda Keyna na ay gaf ka gashay, ayna ku tumatay qawaaniinta iyo xeerarka u dagasan waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.
Tan iyo markii uu billawday dagaalka ka socda Sudan oo haatan laga joogo muddo 2 sano ah, ayaa waxaa xumaaday xiriirka Suudaan iyo qaar kamid ah dowladaha Bariga Afrika, kaddib markii khartuum ay dowladahaasi qaarkood ku eedaysay in ay taageero u fudiyeen kooxda faallagada ah eeRSF ee uu Imaaraadku taageero.