Koox islaam-la-dirir ah oo isugu yeerta machadka daraasaadka amniga, oo magacooda loo soo gaabiyo ISS, kana hawl-gasha dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika ayaa walaac xooggan ka muujisay hir-gelinta hawl-galka cusub ee isbahaysiga gaallada Afrikaanta AUSSOM.
Warbixin uu soo saaray machadkani ayaa lagu sheegay hubanti la’aan haraysay maal-gelinta hawl-galkan cusub oo loogu talo-galay ayay tiri hoos u dhigidda awoodda sii xoogaysanaysa ee Mujaahidiinta Xarakdada Al-Shabaab.
Walaacan dhaqaalle ayay warbixintu ku sifaysay caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban hanaqaadka hawl-galka cusub ee isbahaysiga AUSSOM, sida uu dhawaan ka dhawaajiyey ayay tiri Xoghayaha Guud ee urur-gaaleedka Qaramada Midoobay, António Guterres.
Machadka ISS ayaa shaaca ka qaaday in AUSSOM uu wajahayo walaacyo la mid ah kuwii fashiliyey hawl-galladii ka horreeyey ee AMISOM iyo ATMIS oo ay ka mid ahaayeen hubanti la’aan ka jirtay dhinaca maal-gelinta oo marar badan sababtay ayay tiri warbixintu dibu-dhacyo ku yimaadda gunnooyinka ciidanka oo saluug badani ka jiray iyo weerarrada ba’an ee ay fuliyaan mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.
Warbixintu waxay tibaaxday in hawlgalka cusubi uu bilawday iyadoo aan la hayn qorshe maaliyadeed oo cad, kaas oo weliba sii socon doono ayay tiri tan iyo inta laga gaarayo bisha June ee sannadkan 2025. Wixii muddadaas ka dambeeyana warbixintu waxay ishaartay in ay jiraan hubanti la’aan aan la isku hallayn karin, iyadoo carabka ku dhufatay jiritaanka caqabado dhowr ah oo ka hortagaya lacago caddaan ah oo la siiyo AUSSOM.
Sidoo kale warbixintu waxay ku nuuxnuuxsatay in ilaa hadda aanu caddayn halka uu rasmiyan uga iman doono dhaqaallaha ku bixi doona hawl-galkan cusub. Sidoo kalena lama hubo ayay tiri in la ansixin doono iyo in kale qorsho maal-gelineed oo bisha May ee soo socota ay u ballansan yihiin Qaramada Midoobay, Midawga Afrika iyo Midawga Yurub.
Walbahaarkan ku habsaday maal-gelinta hawl-galka cusub ayay warbixintu sheegtay in uu sii xoogaystay kadib markii uu dib usoo laabtay Donald Trump kuna dhawaaqay joojinta dhaqaallihii maraykanka kaga bixi jiray dalalka dibadda. Taas oo warbixintu ku micnaysay mid uga sii dari doonta caqabadaha dhaqaalle ee jira.
Machadka daraasaadka Amniga ayaa sidoo kale sheegay in hawl-galkan cusubi uu geesta kalena wajahayo duufaan juquraafiyadeed oo heer gobol ah, taas oo cirka isku shareertay kadib markii Itoobiya iyo maamulka Somaliland ay magaallada Addis Ababa ku kala saxeexdeen heshiiskii xaaraanta ahaa ee xayuubsiga qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.
Xiisaddan oo saamayn ku yeelatay ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo ka qayb-qaadashadooda isbahaysiga AUSSOM ayay warbixintu sheegtay inay hoos u dhacday kadib markii uu Turkigu dhex-dhexaadin ka galay arrintan, taas oo sababtay in Itoobiya loo ogolaado inay kasii mid ahaato duullaanka cusub ee lagu soo qaaday Soomaaliya.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in hawl-galkan cusub ay qayb ka yihiin dhammaan dalalkii isbahaysiga ku ahaa ATMIS, marka laga reebo ayaa la yiri Brundi oo saluugtay qoondada cusub ee la siiyey. Masar ayaa laga yaabaa inay ku biirto hawl-galkan cusub, inkastoo weli aan laga gaarin heshiis kama dambays ah, sida ay warbixintu carabowday.