Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-kutukade) oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/dhexe, ayaa waraysi gaar ah oo uu qadka Taleefanka ku siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus kaga warbixiyay weeraradii cagmarinta ahaa ee ay mujaahidiintu ku qoreeyeen deegaanno ka tirsan wilaayadiisa.
Sheekha ayaa bogaadiyay weerarada ciidamada mujaahidiinta, wuxuuna sheegay in Allaah fadligiis mujaahidiintu soo celiyeen deegaanno ay maleeshiyaadka murtadiinta ku qabsadeen duullaankii ashahaada la dirirnimo ee ay soo qaadeen ku dhawaad 3 sano ka hor.
Dhanka kale, Sheekh Xassan Abuu Xamza oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Mudug ayaa dhankiisa waraysi uu bixiyay ku bogaadiyay weerarada cagmarinta ee ay ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen saldhigyada ciidan ee ay maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ku lahaayeen Sh/dhexe.
Halkan ka dhagayso waraysiga waaliga Sh/dhexe, Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade.
Halkan ka dhagayso waraysiga waaliga Mudug, Sheekh Xassan Abuu Xamza.