Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya dagaalladii cuslaa ee maanta ka dhacay ilaa 4 deegaan oo ka tirsan Sh/dhexe, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada mujaahidiintu gacanta ku dhigeen tiro maxaabiis ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka murtadiinta.
Saraakiil ciidan oo ka tirsan mujaahidiinta oo Al-andalus la hadlay waxay xaqiijiyeen in deegaannada kala ah Daaru-nicma, Ceel Cali Axmed, Cali Fool-dheere iyo Al-kowthar ay gacanta ku hayaan ciidamada mujaahidiinta, duhuradii maanta waxaa dhacay isku day ay sameeyeen maleeshiyaadka murtadiinta ah oo ay doonayeen inay kusoo weeraraan deegaanka Ceel Cali Axmed, balse mujaahidiinta ayaa duleedka deegaanka uga hortagay oo kala eryay.
Sidoo kale waxay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in maydad badan oo murtadiin ah ay daadsanyihiin howdka deegaannada laga saaray murtadiinta, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu gacanta ku dhigay tiro murtadiin maxaabiis ah oo dagaallada lagu qabtay.