Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga dib uga furmay wareeggii koowaad ee shirkii farsamo ee loo ballansanaa in la qabto bishan February ee aynu ku jirno.
Wasiirka Dibedda Turkiga Hakan Fidan ayaa sida Wakaaladda Wararka ee Turkigu ku warrantey shirar gaar-gaar ah la galey xubnihii wasiirrada ahaa ee ka kala socday kooxda Riddada Soomaaliya iyo Xabashida Itoobiya.
Fidan ayaa ka dhawaajiyey in marxaladda cusub ee wadahadalladani galeen tahay mid guul ah kana wacan sidii hore.
Waxa uu Fidan hoosta ka xarriiqay in kulankan ay ka soo baxeen fursado dib u qaabayn kara geeska Afrika kuwaas oo caqabadaha hadda u beddeli kara fursado.
Fidan oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in heshiiska Ankara uu noqon doono aragti siyaasadeed oo qaaradda tusaale u noqon doona sida uu hadalka u dhigay.
Heshiiskii Ankara ee bartamihii bishii December ee sannadkii 2024 ayaa lagu go’aansadey in Itoobiya la siiyo marinkii badeed ee ay xoogga ku rabtey taa beddelkeedana ay aqoonsato madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Arrinka yaabka leh ayaa noqday in Soomaaliya lixdan sano ka dib Itoobiya ka rabto “aqoonsi”.
Itoobiya waxa ay sannadkii tagey bilowgiisii heshiis Is-Afgarad la saxiixatey maamul goboleedka ashahaada la dirirkaa ah ee Somaliland kaas oo ay sheegtay in ay “aqoonsi” kala baadi-goobi doonto waddamada dunida.
Isku soo wada duub oo Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay Soomaaliya keeni doonto maraakiibteeda iyada oo heshiiskii Ankara u beddeli doonta ficil, waa sida ay ku taamayso xabashida e.
Wasaaradda Dibedda Itoobiya ayaa dhawaan faafisay khariirad cusub oo ay maabkeeda dhexgalisay gobollada bartamaha Soomaaliya xiga sida Mudug.