Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye, kaasi oo ay ku khaarajiyeen askari murtad ah oo ka tirsanaa Jawaasiista dharcadka murtadiinta.
Howlgalka ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, dilka askarigaasi kaddib waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin soo qaniimeysteen Mooto uu watay askariga dharcadka ah ee la khaarajiyay.
Dhanka kale, dagaallo culus oo dhowr jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada ayaa markale ka dhacay duleedka degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, dagaalladan oo dhacay shalay ayaa qayb ka ah weerarada mujaahidiinta ee lagu dhiigbixinayo maleeshiyo huwan ah oo dhaqdhaqaaqyo ashahaada la dirirnimo ah ka waday deegaannada dhaca duleedka degmada Balcad.