Masuuliyiin ka tirsan kooxda Riddada Somalia, ayaa saacadihii lasoo dhaafay eedaymo culus hawada isu mariyay, is eedayntaasi ayaa u dhaxeysay waxay ugu yeeraan Hanti-dhowrka guud ee kooxda Ridada iyo sidoo kale maamulka maxkamadaha Riddada.
Warqad kasoo baxday maxkamadda maamulka Riddada ee gobolka Banaadir, ayaa eedayn loogu jeediyay hanti-dhowrka guud ee Riddada, murtad Axmed Ciise Guutaale kaasi oo ay ku eedeysay in uu faragelin toos ah ku sameeyay maxkamadahooda.
“Axmed Ciise Guutaale ayaa ku kacay faldambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aan iyo Is-hortaag go’aan Maxkamadeed iyo in uu ishortaag ku sameeyay bixinta kharashaadka socodsiinta howlaha Maxkamaddaha iyo diiwaangalinta heshiisyada ay Maxkamaduhu galeen, taasna ay ka dhalatay in ay istaagto Shaqada maalinlaha ah ee Maxkamaddaha,” waxaa sidaas lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska maxkamadda Riddada ee Banaadir ee eedaynta loogu jeediyay Axmed Ciise.
Dhankiisa waxay ugu yeeraan hanti-dhowrka qaranka kooxda Ridada, murtad Axmed Ciise Guutaale ayaa si adag uga hadlay eedaymaha loo soo jeediyay, isagoo dhankiisa sheegay in maxkamadaha kooxda Ridada ah ay ku dhaceen fal-dambiyeed lunsi hanti iyo lacago si sharci darro ah loo qaaday.
Ilo wareedyo kale ayaa soo sheegaya in is eedayntan ay la xiriirto lacago ay kala boobeen dhinacyadu, oo ay isku hayaan mana ahan kaliya kuwa kooban labadan xafiis, balse boobka lacagaha ayaa ah kuwa isku xiran xafiisyada ugu sarreeya kooxda Riddada Somalia ilaa xafiisyada hoose ee maamulka Ridada gobolka Banaadir.