Ciidanka guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada wilaayada Gedo, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Beled-xaawo, kaasi oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta.
Howlgalka qaraxa ah ayaa si gaar ah u beegsaday fariisin ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyo murtadiin ah, gaar ahaan kuwa ku sugan kaantaroolka looga baxo dhanka degmada Garbahaarrey, waxaana halkaas ku dhaawacantay 2 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, waxay ciidanka mujaahidiintu dagaallo culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidanka saliibiyiinta gaar ahaan kuwa Yugaandha iyo saldhiga maleeshiyaadka murtadiinta ee degmada Jannaale, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxay sidoo mujaahidiintu weerar ku mireen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Sabiid.