Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Bakool, waxay saaka oo Khamiis ah weerar qarax ah oo khasaare laxaad leh lagu gaarsiiyay ciidanka xabashida Itoobiya ka fuliyeen degmada Waajid, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 10 askari.
Qaraxa lala eegtay ciidamada saliibiyiinta xabashida ayaa waxay Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiintu ku gubeen gaari Uuraal ah oo ay ka buuxeen ciidamada la qarxiyay, waxaana halkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar ka tirsan saliibiyiinta oo gaariga la socday.
Inta la hubiyay khasaaraha dhimasho ee saliibiyiinta Itoobiya ayaa gaaraya ilaa saddex askari, halka dhaawacana uu yahay 8 kale, taasi oo tirada guud ee dhimashada iyo dhaawaca xabashida gaaray ka dhigaysa 11 askari oo saliibiyiin ah.