Ciidamada guutada qaraxyada ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la eegteen maleeshiyo ka tirsan Riddada Bangarafta ee uu Maraykanku tabobaray oo kasoo baxay saldhigga ay ku leeyihiin Ballidoogle, doonayay na inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan tuulooyinka u dhaxeeya Wallanweyn iyo Afgooye.
Qaraxa ayaa Allaah fadligiis si gaar ah u haleelay gaari ciidan oo ay wateen maleeshiyaadka murtadiinta Bangarafya, qaraxa ayaana sababay in uu goobta ku gubto gaariga la beegsaday.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu qarax culus ka fuliyeen gudaha degmada Qoryooley ee ka tirsan Sh/hoose, kaasi oo lala eegtay askar ka tirsan murtadiinta, waxayna halkaasi ku dhaawaceen ilaa 2 askari.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal kamiin ah u dhigeen maleeshiyo murtadiin ah oo ka baxay deegaanka Kaambooni ee hoostaga xadbeenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana halkaas lagu dhaawacay ilaa saddex askari oo murtadiin ah.
Sidoo kale isla soohdin-beenaadka waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada murtadiinta Oodow oo ku taala xad-beenaadka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.