Duleedka degmada Buulaburde ee wilaayada Hiiraan, waxa uu maanta marti geliyay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada, halkaas oo khasaare laxaad leh lagu gaarsiiyay maleeshiyada murtadiinta.
Dagaallada oo ahaa kuwa si weyn loogu jabiyey maleeshiyaatka Riddada ayaa Allaah fadligiis waxaa lagu dilay 18 oo isugu jiray askar iyo saraakiil murtadiin ah, kuwaas oo 9 kamid ah ay murtadiintu meydadkooda uga carareen goobaha dagaalladu ay ka dhaceen.
Sidoo kale waxaa dagaalladan maanta dhacay maleeshiyada murtadiinta looga dhaawacay ilaa 26 kale oo murtadiin ah, waxayna ciidamada mujaahidiintu dagaalladaasi ku gubeen gaari Cabdi bile ah oo uu leeyahay murtad Cali Jeyte.
Waxaanu helnay magacyada saraakiisha murtadiinta ee dagaallada maanta lagu dilay waxayna kala yihiin Maxamad Guudow, Cilmi Cabdulle iyo Ciise Xasan Jiis, sidoo kale waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadka lagu dilay dagaalladii maanta dhacay, waxaana ka mid ah Cusmaan Xasan Garaad, Muumin Dacawo, Xiirey Abuukar Caale iyo Waqooyi, magacyada askarta dhaawacantayna waxaa ka mid ah Muuse Cadde, Sacdi iyo Maxamad Jeelle.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu soo qaniimeysteen ilaa 5 qori oo AK47-ah oo laga soo furtay murtadiinta.