Cabdifitaax Nuur Mataan oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee maamulka Riddada ugu magacaaban degmada Baladxaawo sidoo kalena ahaa xildhibaan hore, ayaa u dhintay dhaawac saacadihii lasoo dhaafay kasoo gaaray qarax culus oo ciidanka mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Beled-xaawo.
Qaraxan oo ahaa mid culus oo lala eegtay saraakiil iyo maleeshiyaad murtadiin ah ayaa waxaa ku dhintay ilaa saddex xubnood oo kala ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee maamulka Riddada degmada Beled-xaawo murtad Cabbdi Fataax Nuur Mataan iyo laba askari oo lagu kala magacaabi jiray Cabdi Caziiz Sheekow iyo Guhaad Madaxey, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 kale oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka Riddada ugu magacaabao Beled-xaawo murtadka lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Aadan iyo hanti dhowraha muradiinta ee degmadaasi.
Dhanka kale, howlgal qarax ah oo galabta ciidamada mujaahidiinta ka fuliyeen duleedka deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud ayaa lagu gubay gaari Cabdibile ah oo ay murtadiintu wateen, waxaana halkaa ku dhaawacmay darawalkii ka xeeynayey gaarigaasi.
Dhanka kale, faahfaahin ayaa laga helayaa dagaalkii saaka mujaahidiinta ay kula wareegeen deegaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo murtadiinta looga dilay 9 askari, halka sidoo kalena dagaalkaasi ay dhaawacyo ku noqdeen ilaa 11 kale.
Waxay ciidamada mujaahidiintu weerarka ku gubeen gaari Booyad ah oo maleeshiyaadka murtadiinta ay lahaayeen, waxay sidoo kale soo qaniimeysteen 4 qori oo AK47 ah, iyo hal qori oo PKM ah, dhowr Matoor, iyo Moto Fekon-ah.