
Ismaamullada Axmaarada iyo Oromada oo ka mid ah gobollada xilligan ay ka socdaan dagaallada culus ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo jabhadaha mucaaradka ah ee hubesyan, ayaa laga soo tabiyay dilal, xarig iyo burburin baahsan oo ka dhan ah dadka aan hubeysnayn.
Hay’adda magaceeda loo soo gaabiyo (EHRC), ee sheegata inay u dooddo xuquuda aadanaha ee Itoobiya, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ay diiwaan gelisay dhacdooyin badan oo isugu jira dilal, qafaal, xarig aan sabab lahayn, burbuirn hanti iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah dadka rayidka.
Marka laga hadlayo Ismaamulka Axmaarada waxay warbixintu sheegtay inay diiwaan gelisay dhacdooyin ay ciidamada ammaanka ee dawladda uu madaxa u yahay Abiy Axmed ku dileen ilaa 8 qof oo shacab ah, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday deegaan dhaca Konfurta Gonder, kaddib markii ay halkaasi ka dhaceen iska hor’imaadyo u dhaxeeyay ciidanka millatariga dowladda iyo kuwa fallaagada Fano.
Warbixinta hayadda waxay intaas ku dartay in dadka la dilay ee shacabka ah oo dowladdu ku eedeysay inay taageersanyihiin jabhadda Faano, ay ka mid ahaayeen haweeney uur leh, saddex dumar ah oo kale iyo ilmo, weerarkan waxay sidoo kale ciidanka Abiy ku dhaawaceen laba qof oo rayid ah, halka ay ku xireen lix qof oo kale, iyada oo aan ilaa hadda la ogayn halka lala aaday.
Hayadda EHRC waxay sidoo kale sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa taliska ammaanka ee dowladda ay Aagga Waqooyiga Gonder gaar ahaan magaalada Dabat, rasaas aan loo meel dayin oo ay fureen ku dileen ugu yaraan 4 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur, 5 kale oo ay ku jiraan 3 carruur ahna ay ku dhaawaceen.
Maleeshiyada Fano ayaa qayb ka ah dhinacyada gaysanaya dilalka ka dhanka ah dadka aan hubka wadan, waxayna aagga galbeedka Gonder ku dileen sida warbixinta ku xusan 8 qof oo rayid ah, kuwaas oo hay’addu sheegtay in lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin xisbiga talada haya ayna sidoo kale ka dhinac dagaallamayeen ciidanka millatariga.
Hay’addan waxay sidoo kale sheegtay dilal ay gaysteen jabhadda xoraynta Oromia iyo sidoo kale ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaasi oo lagu beegsaday dad rayid ah, waxay ciidanka dowladdu deegaan dhaca duleedka degmada Saja Welel ee ismaamulka Ormomia ka xireen illaa laba xubnood, waxay dadkaasi dileen 25-kii Sebtembar.