Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay saaka oo Sabti ah dagaallo ku kala ekeeyeen saldhigyo ciidan oo ku kala yaal deegaanka Masagawaay iyo degmada Baydhaba ee wilaayaadka Galgaduud iyo Baay, halkaas oo dagaal kaddib ay gacanta ku dhigeen ciidamada mujaahidiintu.
Weerarka koowaad waxaa fuliyay ciidamada mujaahidiinta ka howlgala wilaayada islaamiga ee Galgaduud, waxayna dagaalkaasi kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Masagawaay ee ka tirsan wilaayada Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, weerarka waxaa lagu dilay sagaal askari halka sidoo kalena lagu dhaawacay 11 kale.
Sidoo kale, waxya ciidamada mujaahidiinta dagaalkaasi kusoo qaniimeysteen hub, rasaas, iyo saanad ciidan oo kala duwan, waxay sidoo kale mujaahidiintu soo qaniimeysteen dhowr Matoor, iyo Moto Fekon-ah, waxaana dagaalkaasi lagu gubay gaari Booyad ah.
Weerarka 2-aad oo ahaa dagaal toos ah waxaa fuliyay ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala Baay, waxayna saaka dagaal kula wareegeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta xaafadda Buulo-jameeco ee magaalada Baydhaba, waxaa halkaas ku dhaawacmay ilaa shan murtad oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Fargen oo ah taliyaha xerada.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay dagaalkaasi ku qaniimeysteen qori AK47 ah, sidoo kale waxay ciidamo ka tirsan mujaahidiintu weerareen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Mayafuulka ee isla magaalada Baydhaba.
Dhanka Gedona, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax culus ku weerareen guri ay dagganaayeen maleeshiyaadka Riddada Booliska ee ku sugan magaalada Beled-xaawo, dhanka kale waxaa faahfaahin laga helay qaraxii ka dhacay degmada Beled-xaawo ee masuuliyiinta murtadiinta ah lagu dhaawacay.
Qaraxaasi oo ahaa mid abaabulan waxaa Allah fadligiis ku dhintay 2 askari oo murtadiin ah oo lagu kala magacaabi jiray Cabdicaziiz Sheekow iyo Guhaad Madaxey, halka sidoo kale tirada murtadiinta ee ku dhaawacantay qaraxaasi ay gaareen 8 askari oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Beledxaawo murtadka lagu magacaabo Cabdifataax Nuur Mataan oo sidoo kale ahaa xildhibaan hore, guddoomiye ku xigeenka labaad oo isagana lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Aadan iyo hanti dhowraha muradiinta ee degmadaasi.