Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuiyeen degmada Baladxaawo ee wilaayada islaamiga ah ee Gedo, ayaa lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaad murtadiin ah, halkaas oo khasaare isugu jiro dhimasho iyo mid dhaawac ah lagu gaarsiiyay maleeshiyada Riddada.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 1 askari, waxaana halkaas ku dhaawacmay oo garaab ah saddex askari oo murtadiin ah, oo ay ku jiraan guddoomiye ku xigeenka Beledxaawo sidoo kalena ah xildhibaan hore Cabdifataax Nuur Mataan iyo hanti dhowraha degmadaasi.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus kula wareegeen, fariisin ay maleeshiyaadka murtadiinta ah ku leeyihiin garoonka diyaaradaha cusub ee degmada Balad-Xaawo, waxayna weerarkaasi ku dhaawaceen hal askari.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ka baxay degmada Jannaale kuna sii jeeday deegaanka Buufow ee Sh/hoose, dhaawaca waa 2 askari oo murtadiin ah, sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xeryaha Kuffaarta Afrikaanta ee degmada Jannaale iyo deegaanka Ambareeso ee hoostaga degmada Baraawe ee Sh/hoose.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus oo qarax ah ku qaadeen saldhigga murtadiinta ay ku leeyihiin xaafadda Buula-jameeco ee magaalada Baydhaba, khasaare gaaray murtadiinta ayaana jira.