
Ilaa lix askari oo Taa’ibiin ah ayaa isku soo dhiibay maamulka wilaayada islaamiga ah ee Jubbada hoose, kuwaas oo kasoo baxay safka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Jubbaland.
Taa’ibiintan ka kooban lixda askari waxay qaar ka mid ah ilaalo u ahaayeen murtad Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, waxaana towxiidka loogu qabtay deegaan ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Jubbada hoose.
Markii towbada loo qabtay kaddib ayay taa’ibiintan waraysiyo gaar ah siiyeen idaacadda islaamiga Al-andalus, iyaga oo ka warbixiyay howlaha ay qaban jireen, duruufaha halkaasi ka jira, sida loogu soo dhaweeyay deegaannada uu ka taliyo maamulka islaamiga ah iyo arrimo kale.