Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka jihaada wilaayaadka Sh/hoose iyo Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro xooggan oo toos ah ku mireen saldhigyo ciidan oo kuffaarta Yugaandha iyo sidoo kale maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmooyin ka tirsan labadaasi gobol.
Weerarka koowaad oo ahaa dagaal culus oo toos ah waxay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen xerada ciidamada kuffaarta Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin degmada Qoryooley ee Sh/hoose, waxay weerarka 2-aad ciidamada mujaahidiintu ku mireen saldhigga ciidamada Kuffaarta Uganda ee degmada Buulo mareer ee isla Sh/hoose.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu weerareen xero ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaanka Goofgaduud-buurey ee dhaca duleedka magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Weerarka afaraad waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen isla Baay, waxayna ku beegsadeen saldhig maleeshiyo murtadiin ah ay ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee magaalada Baydhaba, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka ayaa si wayn looga maqlayay xaafadaha degmadaasi.