Ciidamada guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Jubbada hoose, waxay weerar culus ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta deegaanka Buulaxaaji ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkaan madaafiicda ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana wararka horudhaca ah ee la helayo ay xaqiijinayaan in khasaaraha uu yahay dhimashada askari murtad ah iyo dhaawaca 4 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Kuffaarta Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku adeegsanayay dagaalka laga maqlayay qaybo ka mid ah degmadaasi.