Maamulka shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ee ka howlgala gudaha iyo Dibadda ayaa si rasmi ah u shaaciyay in barri oo Arbaco ah aysan jiri doonin duulimaadyo ay ka sameeyaan gudaha dalka iyo dibaddiisa.
War qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dallad ay ku mideysanyihiin shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ayaa lagu shaaciyay in ay duullimaadyada ka wadi waayeen wazaaradda gaadiidka kooxda Riddada iyo hay’addeeda duulista.
Waxay sheegeen inay dhowr jeer gudbiyeen cabashooyin ku saabsan lacago xad dhaaf ah oo lagu soo rogay, balse la dhagaysan waayay, sidoo kalena ay waayeen wax jawaab ah, sidaas darteed na go’aansadeen in barri oo Arbaco ah ay joojiyaan duulimaadyadii ka bixi jiray caasimadda Muqdisho iyo sidoo kale kuwii kasoo degi jiray.
Go’aanka ay qaateen maamulka shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed, ayaa yimid kadib shir ay maanta yeesheen, ilo wareedyo kale ayaa soo sheegay in ay jiraan lacago hor leh oo baad ah oo lagu soo rogay shakhsiyaadka gaarka ah ee ka baxaya garoonka Muqdisho.
Sida lasoo warinayo waxay Arintan saamayn ku yeelan doontaa boqollaal qof oo rakaab ah oo qorsheynayay inay dalka dib ugu soo laabtaan, kuwa kale oo doonayay inay dalka ka dhoofaan ayay sidoo kale saamayn doontaa iyo sidoo kale duulimaadyada gobollada dalka ee Soomaaliya.
13-kii bishan January ayay ahayd markii maamulka shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliyeed ay soo saareen cabasho ka dhan ah shirkadda Turkiga laga leeyahay ee Favori ee gacanta ku haysa garoonka Muqdisho, taasi oo kusoo rogtay lacago baad dhaaf ah, waxayna shirkadaha Soomaaliyeed dhibbane u yihiin baadda shirkaddaasi, wazaaradda gaadiidka Riddada iyo shakhsiyaad gaar ah oo isbaarooyin dhigtay madaarka caalamiga ah ee Muqdisho.