Maamullada ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland iyo Puntland, ayaa markale jeediyay eedaymo xooggan oo ka dhan ah kooxda Ridada ee uu hoggaamiyo murtad Xassan Gurguurte.
Wasiirka waxay ugu yeeraan wasaaradda gargaarka maamul goboleedka isku magacaabay Jubbaland, murtad Axmed Xasan Cumar, ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Kismaayo ku beeniyay war kasoo baxay kooxda uu madaxa u yahay murtad Gurguurte, kaasi oo ahaa in gargaar ay gaarsiiyeen deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.
Wasiirkan u hadlay maamulka uu madaxa u yahay murtad Axmed madoobe, ayaa sheegay in xukuumadda Riddada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay siyaasadeysay Arrimaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta, hay’adaha isku sheega gargaarkana ku cadaadinayso inaan wax gurmad ah la gaarsiinin deegaannada maamulkiisa.
Dhankiisa maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland, ayaa beeniyay gurmad ay sheegtay kooxda Riddada Somalia inay u dirtay deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.
Wasiirka warfaafinta maamulkaasi, murtad Maxamuud Caydiid Dirir, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in kooxda Riddada ah ay boobtay gargaarka ay ka heleen saliibiyiinta iyo dowladaha Riddada ah, shakhsiyaad gaar ahna ay ku wareejisay raashiin laga soo raray bakhaaro kuyaal magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
“Raashin suuq bacaad lagasoo rarayo in la yiraahdo Puntland baa loo rarayaa oo dhulkaa la marinayaa, waxay ku tusinaysaa nidaam xummada iyo boobka ka jira dowladda Soomaaliya,” waxaa sidaas yiri Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta maamulka fadhigiisu yahay Garoowe.
Maamulka Deni ayaa sidoo kale ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan shakhsiyaadka ay ku sheegeen in loo soo dhiibay raashiinka ka yimid kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay Muqdisho.