Ciidamada guutada qaraxyada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen guri ay ku sugnaayeen maleeshiyo murtadiin ah, kaasi oo kuyaal gudaha degmada Beled-xaawo ee wilaayada Gedo.
Howlgalkaasi qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana inta la xaqiijiyay dhaawacyo ku noqday ilaa laba askari oo murtadiin ah, laba cisho ka hor ayay ahayd markii mujaahidiintu sidan oo kale qarax ula beegsadeen Controlka laga galo degmada Beled-xaawo, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihiin degmada Jannaale, waxaa halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.