Safar uu Axmed Madoobe ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa abuuray buuq ka dhex dhashay kooxda Riddada Soomaaliuya iyo Kenya, kadib markii ay kenya jabisay amar kasoo baxay kooxda Ridada ee uu hogaamuyo murtad Xasan gurguurte, kaasi oo ah xayiraad dhanka duullimaadka hawada ah oo lagu soo rogay deegaanada uu maamulkiisu ka taliyo murtad Axmad Madoobe.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda kooxda Riddada ayaa warqad cabasho ah u dirtay Danjiraha dowladda saliibiyada ah ee Kenya ee Muqdisho si uu usoo caddeeyo sababta keentay in diyaarad dalkiisa laga leeyahay ay fasax la’aan Kismaayo tagto una qaaddo shakhsi warqad soo qabasho ah loo jaray, kooxda Riddada ayaa Kenya ka dalbatay in ay caddeyn dhammeystiran oo degdeg ah ka bixiso diyaaradda Kenyaanku leeyihiin ee ka qaadday magaalada Kismaayo murtad Axmed Madoobe.
Kenya oo kal hore sheegtay in ay dhax dhaxaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya kooxda Riddada Somalia iyo maamul goboleedka ashahaadda la dirirka ah ee Jubbaland ayaaa markan u muuqata in ay qeyb ka noqotay xiisaddaasi iyada oo haatan garab siineysa maamulka Axmad madoobe.