Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo burbur ayaa ka dhashay shil gaari oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Shilkan ayaa si gaar ah kaga dhacay waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka Jaziira, baabuurka Shilka galay ayaana lagu sheegay nooca raaxada.
Dhammaan dadkii gaariga saarnaa ayaa dhintay oo ka koobnaa ilaa saddex xubnood oo laba ka mid ah ay gabdho ahaayeen, halka qofka saddexaad na lagu sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa maleeshiyada Riddada, ahaana darawalkii gaariga.
Ilo wareedyo dhanka deegaanka ah ayaa soo wariyay in gaarigu waddada ka baxay, kaddib na uu rogmaday, sababta ka dambeysay ayaa lagu sheegay xawaaraha sare ee uu baabuurku ku socday.