Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay dagaallo culus oo u dhaxeeyay dad rayid hubeysan iyo maleeshiyo ka tirsan Liyuu booliska maamulka ashahaada la dirirka ah ee Soomaali-galbeed uga dhisan Xabashida.
Dagaalka oo xoogiisa dhacay shalay ayaa soo gaaray ilaa maanta, wuxuuna yimid kaddib markii maleeshiyo ka tirsan Liyuu booliska ashahaada la dirirka ah ay weerareen dadka rayidka ah ee ku dhaqan degaanka Dacawaley ee ka tirsan degmada Xarshin ee gobolka Faafan.
Dhalinyaro deegaanka ah ayaa ka gadooday tallaabada maamulka Musatafe cagjar, waxayna weerareen maleeshiyadii maamulkaasi ee dadka shacabka ah weerartay.
Iska hor’imaadka koowaad oo dhacay khamiistii waxaa lasoo wariyay inay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan maleeshiyada Liyuu booliska, wixii intaas ka dambeeyay maamulka Cagjar ayaa maleeshiyaad kale usoo diray deegaanka lagu dagaallamay, kuwaas oo xasuuq u gaystay dad shacab ah.
Maleeshiyaadka Liyuu booliska waxaa lagu eedeeyay in xittaa ay weeraro ku beegsanayeen dadka dhaawacyada qaba ee rayidka, kuwaas oo ay dhexda u galeen.
Mid ka mid ah dadkii goobjoogga u ahaa iska hor’imaadyadii khamiistii lasoo dhaafay billowday si gaar ahna dhaawacyada u qaadayay ayaa ka warbixiyay xasuuqyada ay gaysanayaan Liyuu Booliska.
Ilo wareedyo kale ayaa soo sheegaya in dadka deegaanka ay iska caabiyeen gurmad maleeshiyada Liyu boolisku usoo sameeyeen kuwa kale ee ku sugan Dacawaley ee shacabka laayay, tiro dhowr ayay dadka shacabka iyo askarta Liyuu boolisku isku noqnoqdeen, waxaana halkaas ka dhashay khasaare aad u baaxad wayn oo dhinacyada kala gaaray.
Dhimashada labada dhinac waxaa lasoo wariyay inay kor u dhaafayso 50 qof, waxaa dadka dhintay ka mid ah saraakiil ka tirsan Liyuu booliska, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Kornayl Deeq Biixi, Kornayl Xassan Cali iyo sarkaal kale halka masuul ka tirsan maamulkaasina la xaqiijiyay in uu gaaray dhaawac culus.
Dadka shacabka ah dhankooda khasaare baaxad leh ayaa gaaray, maanta oo maalintii saddexaad ee colaadda ugu xooggan ay socoto, waxaa dhinacyadu isu adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud.
Dagaalka maanta dib u qarxay oo goos goos u badnaa ayaa inta uusan billaaban waxaa xalay hadlay qaar ka mid ah dadka deegaanka, kuwaas oo sheegay inay iska caabinayaan maleeshiyaadka Liyuu Booliska.
Waxay ugu yeeraan xafiiska nabadgalyada maamulka Mustafe Cagjar ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda Dacawaley, waxayna qireen in saraakiil iyo askar looga laayay dagaalladii shalay dhacay, iyaga oo ka gaabsaday xasuuqa ay dadka rayidka ah u gaysteen.