
Khasaare lixaad leh ayaa ciidamada Sahaayinada Yahuudda dhabarka loogu saariyay weeraro culus oo markale ka dhacay deegaanno ka tirsan marinka Qaza ee dhulalka reer Falasdiin.
Kooxaha wax iska caabintu waxay soo bandhigeen faahfaahinta howlgal ay ku tilmaantay mid amni oo adag, kadib markii uu dagaalyahan hubaysan uu dhaxgalay askar Yahuud ah.
Tafaasiisha laga bixiyay howlgalkan waxay sheegaysaa in dagaalyahan naftiis hure ah uu toogasho ku dilay ilaa laba askar Yahuud ah kadibna uu ka siibtay dareeskii ay wateen, isaga ayaana ku labistay dareeskii ciidanka Yahuudda.
Istish-haadiga oo dhagray ciidanka Sahaayinada ayaa tagay goob ay ku kulansanaayeen ciidamada Yahuudda kadibna waa isku qarxiyay isagoo xiran suun walxaha qarka lagasoo buuxiyay.
Camaliyaddan Istish-haadiga ayaa gallaafatay nolosha inkabadan 6 askari sida lagu sheegay warka kasoo baxay kooxaha wax iska caabinta Falastiin ee halganka adag kaga jira marinka Gaza.
Waa camaliyaddii ugu horraysay Istish-haadi ah oo ka dhacday mukhayamka Jibaaliya tan iyo sanaddii 2002 kolkaas oo xoogagga wax iska caabintu ay dagaallo adag la geli jireen ciidamada Yahuudda.